Somaliland : Ciidamo kale oo kasoo ka goostay Maamulka Muuse Biixi yaa ku biiray jabhada la baxday Dulmi-diid ee ku sugan Gacan-Libaax

6-‘Aug-2023

Somaliland : Ciidamo kale oo ka goostay ayaa ku biiray jabhada Buurta Gacan-Libaax

Hoggaanka Jabhadda Buurta Gacan Libaax ayaa soo dhaweeyay Ciidan cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland

Ciidamada soo goostay ayaa la sheegay inay markii hore ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland ee Laascaanood ka dagaalama, iyaga oo sheegay in ay dagaal la galayaan xukuumada Muuse Biixi

“Sida nimankaniba uga soo baxeen iskaga soo wada baxa dulmi ayaad ku socoteene, tanaa xaqa, dagaalkan xaqa ah soo gala ee rajiimka lagaga xoraynayo waddanka uu baabasaday, dalka iyo dadka iyo diinta.”

Ciidankan ayaa sidoo kale lasoo goostay hubkii ay hore u siisay Somaliland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la dagaalaman Somaliland, oo ay hore uga tiirsanaayeen ciidankeeda.

Jabhadda oo la magac baxday ‘Dulmi-diidka’ ayaa waxay dhawaan hanjabaad culus ugu dirtay madaxweynaha, iyaga oo dagaal la galay ciidamada RRU oo dhawaan halkaasi la geeyay.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, taasi oo horseeday in gudaheeda ka abuurmaan jabhaddo kasoo horjeeda maamulka