1″ January “2023
Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacaayay gudaha magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ay dadka deegaanka ka dhigeen bartamaha magaaladaas.
War-saxaafadeed kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa lagu cambaareeyey dilalka qorsheysan ee loo gaystay mas’uuliyiin kala duwan oo sanadihii u dambeeyey lagu khaarijiyey Laascaanood.
Somaliland ayaa dilalka ku eedeysay inay ka dambeeyeen Alshabaab, sida waa lagu sheegay Warka, oo sidoo kale Wasaaradda ku cambaareysay Maamulka Puntland, ayna ku eedeeyeen inay gudbinayaan xogo marinhabaabin ah, oo qalalaasaha sii holcinaya.
Sidoo kale Wasaaraddu ayaa ka digtay duulaan iyo farogelinta dibaddeed ee Somaliland lagu soo qaaday, Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa xaqiijisey in 7 qof ay ku dhinteen 21 kalena ay ku dhaawacmeen israasaaseyn ka dhacday magaalada Laascaanood.
Maalintii 5-aad, ayaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dhacaayay banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka deegaanka magaalada oo kasoo horjeeda dilalka qorsheysan ee halkaas ka dhaca iyo dhibaatada ciidanka Somaliland ay ku hayaan shacabka banaanbaxyada waday.
Inkastoo ilaa 8 qof la rumeeysan yahay in ay ku dhinteen rabshadaha magaalada laascaanood hadana Dani ayaa si xaqiiqada ka fog tirada dhimashada gaarsiiyay in ka badan 100 qof iyadoo Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ay maalintii shanaad oo xiriir ah ay ka socdaan banaanbaxyo rabshado wata
Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood ayuu yiri Dani oo tirada dhimashada gaarsiiyay in ka badan 100 qof
War qoraalka ah oo uu soo saaray Madaxweynaha maamul-gobleedka putland ayaa lagu yiri “Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military)
Qoraalka siciid dani ayaa ku bogaadiyay dadka laascaanood kacdoonka ay ka la horyimaadeen maamulka Somaliland Isaga oo Sidan u xusay “
” Shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay ee reer Laascaanood-Waxaan u sheegaynaa in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda
Hadalkaas danbe oo u muuqda mid sii Hurin kara xiisada hadaba kacsan ee magaalada laascaanood ayaa imaanaya Iyadoo aaneey jirin hal magaalo oo gobolka sool ka mida ah oo putland ay maamusho ..