Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
12″ February “2023

In ka badan 60 qof ayaa ku dhintay magaalada Laascaanood 150 kalena way ku dhaawacmeen iyadoo maalintii 7aad uu socdo dagaalka ay dadka reer Laascaanood kaga soo horjeedaan aragtida gooni-goosadka ah ee maamulka Muuse Biixi.
Somaliland oo horey ugu dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah ayaa sheegtay inay jabiyeen wax ay ku tilmaamtay kooxda ku soo duushay nabad-galyada Laascaanood,
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood
Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 7-aad, waxaana tan iyo saaka dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Maamulka Somaliland ayaa War cusub kasoo saaray dagaalka xooggan ee maalintii 7-aad oo xiriir ah ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo kuwa Maamulka Somaliland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xabad-joojintii ay ku dhawaaqeen ay jebiyeen kooxo ay sheegeen inay kusoo duuleen nabad-galyada iyo xasilooni Laascaanood, gaar ahaan xeryo ay ku sugnaayeen ciidanka Somaliland.