2- December-2023

Somaliland oo ka hadashay cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya
War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay “walaac xooggan ka muujineyso kana soo horjeeddo cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya”.
“Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
“Somaliland waxa ay waayo aragnimo u leedahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hubka aan la xakamayn, waxaananu ka digtoonnahay suurtagalnimada in hubkaasi gacant u galo kooxaha xagjirka ah iyo kooxaha malleeshiyaadka.” ayaa lagu sii daray.
“Somaliland waxaa ka go’an la shaqeynta saaxiibbada gobolka iyo beesha caalamka. Waxaa naga go’an inaan muujinno walaacyada ay taas ku tahay khatarta nabadda gobolka, ammaanka iyo xasiloonida.” Ayaa lagu yiri.