6″ March “2023
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal muddo kooban socday uu maanta mar kale ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay xasilloonayd.
Dad ka ag dhawaa meesha lagu dagaallamay ayaa sheegay in madaafiicda iyo hubka culus ay dhinacyada is weydaarsadeen.
Khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka maanta dhacay ayaan weli la xaqiijin.
Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay saaka soo saartay ku sheegtay in dagaal lagu soo qaaday ciidamadeeda ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood.
Somaliland ayaa dagaalkaas ku eedeysay Puntland iyo kooxo ay ugu yeertay “argagixiso iyo nabad-diid”.
Dhanka kale, Madaxweynaha Puntlanda, Siciid Cabdullahi Deni ayaa cambaareeyay dagaalka Laasacaanood waxa uu sheegay in noociisa aanu waayahan dambe dhicin isla markaana loo baahan yahay in la iskula xisaabtamo waxa dhacay. Waxa uu beeniyay in Puntland ay qeyb ka tahay dagaalka ka socda Laascaanood.
Somaliland ayaa sheegtay in saaka weerar lagu qaaday fariisimada ciidamadeeda ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas ayay Xukuumadda Somalialnd tilmaamtay in wax khasaaro ah aysan kasoo gaarin.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudahaha Somaliland ayaa lagu yiri “kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood”
Somaliland ayaa intaa ku dartay in ay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen waxa ay ugu yeereen kooxaha isgarabsanaya.
Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay weerarkaas ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood.
Waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan”ayaa lagu yiri Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Cabdilaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somalialnd