4″ Aug”2022″ Hadhwanaag News
Somaliland, ayaa markale xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho uga helin xukuumada.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in sharcigu uu xalaaleeyay in muwaadinku mudaharaadi karo, lakiin ay tahay in xeerka nidaamka dad waynaha loo raaco.
Dastuur keenu waxa uu sheegayaa in qofka muwaadinka ahi uu xaq u leeyahay in la doorto uu waxna doorto iyo in 犀利士 uu mudaharaado, in hadana qaabka mudaharaadka loo samaynayaa uu noqdo mid waafaqsan xeerka” ayuu yidhi wasiir Kaahin.
Waxa uu sheegay in xeerku sheegayo in cidii mudaharaad qabanaysa ay 3 cisho kahor kasoo codsanayso wasaarada arrimaha gudaha, maamulka gobolka, isla markaana ay codsigooda ku xusayaan sababta mudaharaadka, tiradooda, kadibna loo fasaxayo oo booliisku ilaalinayo.
Wasiirka ayaa sheegay in masuuliyiin doonaya in ay umada maamulaan oo ay madaxweynayaal noqdaan anay u haboonayn in ay abaabulaan mudaharaad anay sharciga u marin, oo fawdo iyo nabadgalyo daro ka dhalan karto.
“Mudaharaad ayna cidna u sheegin, oo hanjabaadi ku jirto, oo fawdo ku jirto, oo nabadgalyo daro ku jirto, ayaanu dhigaynaa, berritona waxaanu doonayna in aanu dalka Madaxweynayaal ka noqono, labadaasi isma galayaan” ayuu yidhi wasiir Kaahin.
Hadalka wasiirka ayaa noqonaya kii labaad ee uu mudaharaadka kaga digo laba cisho gudahood, isaga oo shalay la shiray madaxda ciidamada, maamulka gobolka Maroodijeex iyo ka caasimada Hargaysa, una sheegay in ay ka hortagaan mudaharaadka.
Hadaba, xisbiga Kulmiye ayaa xiligii uu mucaaradka ahaa ku caan ahaa in ay qabtaan mudaharaado rabshado wata oo anay sharciga u marin, iyadoo marar badan ay dad ku dhinteen, hanti dowladeedna lagu gubay, isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha Kulmiye iyo booliiska.
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku hanjabay in ay iska celin doonaan xukuumada, iyaga madaxweynaha ku eedeeyay in uu ergo walba diiday.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka hadlay xaflad meher, ayaa sheegay in anay ogolaanayn wax aanu madaxweyne Biixi-ba ogolaan jirin.
“Ogolaan mayno waxaanu isba ogolaanin, Kulmiye ma jiree, ina Biixi ayaa jiree, ina Biixina waanu iska celinaynaa, dalkii wuu sheegtay” Guddoomiye Faysal ayaa sidaa yidhi.
Cirro ayaa dhankiisa sheegay in madaxweyne Biixi uu ergo walba, diiday balse ka mucaarad ahaan, ay tanaasul badan sameeyeen, sidaas darteedna anay jirin sabab iyaga looga codsado tudhaale,
“Reer Somaliland-now waxa aad anaga nagu riixaysaan oo aad leedihiin tudha bal noosheega”.
Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, iyadoo xukuumaduna sheegtay in anay dhacayn mudaharaado anay ogolaan.