26- March-2024
Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegay in habeennimadii Axaddii, ay isku dhici gaareen labo diyaaradood oo laga kala leeyahay Itoobiya iyo Imaaraatka.
Hay’adda ayaa sheegtay in xalay saqdii dhexe diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways iyo tan diyaaradda Ethiopian Airlines ay ku sugteen inay isku dhacaan, iyadoo hay’addu ay kontaroolka Muqdisho ku eedeysay inay xog khaldan siiyeen.
“Diyaaradaha ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Xiriir aan la sameynay dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsadeen inay arrintaas ka jawaabaan.
Ma aha markii ugu horreysay ee diyaarado dulmaraya hawada Soomaaliya ay ku sigtaan inay isku dhacaan.
Waxay ahayd 24-kii February markii Somaliland ay sheegtay in labo diyaaradood oo caalami ah ay ‘ku sigteen inay isku dhacaan’ xilli ay dulmarayeen hawada Soomaaliya, kadib markii xog iska soo horjeedda laga siiyay Muqdisho iyo Hargeysa, eedeyntan oo dowladda Soomaaliya ay beenisay.
Labada diyaarad oo kala ah diyaaradaha Qatar iyo Itoobiya oo kasoo kala kicitimay Dooxa iyo Addis Ababa ayay Somaliland sheegtay inay markaas isu jirsadeen masaafo isku dhow iyaga oo ku socdaalaya khad isku dhaw sida ay sheegtay Somaliland.