14″ February “2023” Horseed Media
Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood, waxayna walaac xooggan ka muujiyeen “wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan.”
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa maalintii sagaalaad ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka, dagaalladaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 60 qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale, sida ay sheegaan saraakiisha caafimaadka.
Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.”
Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed.
“Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey qoraalka beesha caalamka
Somaliland oo sheegtay inay Laascaanood kula dagaalamayaan dhalinyarro abaabulan oo argagixiso iyo Puntland ka dambeeyaan
Taliska ciidanka Somaliland oo ka hadlay xaaladda Magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan dhalinyarro abaabulan oo ay argagixiso iyo Puntland ka dambeeyaan.
Taliska ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aysan weli qaadin waxa dagaal ah, ayna u turayaan bulshada iyo magaalada.
Sidoo kale Taliska waxa uu sheegay in Isimadda SSC aysan cidna maamulin lana dhageysan hadaladooda, balse talada ay gacanta ku hayso Ururka Al Shabaab.
Taliska ciidanka Somaliland ayaa Madaafiicda magaalada lagu garaacayo iyo guryaha la duminayo ku eedeyey inay ka dambeeyaan Al Shabaab, si dambiga loo saaro ciidankooda.
Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in Shaqaaqada Laascaanood ka taa壯陽藥 gan ay soo afjarmi doonaan, ciidankuna waxay fulinayaan amarada Madaxdooda iyo Xukuumadda Somaliland.