Somaliland oo soo bandhigtay shabakad Shabaab ah oo qorshe halis ah soo maleegtay

Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay xubno Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Burco, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro culus.

Hey’adda Sirdoonka Somaliland ayaa baahisay sawirrada 7 qof oo shan kamid ah ay rag yihiin iyo labo dumar ah, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin Shabakad Shabaab ah.

Sirdoonka Somaliland ayaa warbixintaan ku sheegay in xubnahaan Shabaab-ka ah ay ka soo safreen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xudunta Al-Shabaab.

Sidoo kale, Sirdoonka Somaliland ayaa shaaciyey in xubnahaan la qorsheeyey inay weerarro culus ka geystaan gudaha Somaliland inta ay socdaan doorashooyinka maalmo kadib bilaabanaya.

Somaliland ayaa sheegtay in labada dumarka ah ee Shabakadaan la qabtay ku jirta ay ahaayeen xaasaska labo kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab.

Sirdoonka Somaliland ayaa ku raadjooga 20 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Shabakadaan, kuwaas oo la qorsheeyey inay wax oa fuliyaan weerarrada loo qorsheeyey inay Somaliland ka dhacaan maalmaha doorashada.

Qabashada shabakadaan la sheegay inay ka tirsan tahay Al-Shabaab ayaa ku soo adeysa xilli dhowaan la guda-geli doono doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceysa Somaliland, taas oo xamaasad gooni ah leh xisbiyo waaweyna ay ku tartamayaan.

Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa koonfurta Soomaaliya ayaa awoodi weysay inay dhibaatooyin ka geystaan deegaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, waxaana maamulka ka jira deegaanadaas lagu amaanay sida ay amniga u adkeysteen.