Somaliland Xisibiyada Mucaaradka oo ku dhawaaqay In Muuse Biixi Aysan Madaxweyne U Aqoonsaneyn

13″ November “2022” Hadhwanaag

Madaxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa Caawa ku dhawaaqay Go’aano ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kadib markii Madaxda mucaaradka ay saacadihii lasoo dhaafay kulamo ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Madaxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani oo ay kala hoggaamiyaan C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi laga bilaabo Maanta aysan Madaxweyne sharci ah u aqoonsaneynin.

Magaalada Burco ayaa waxaa ka dhacay dibad bax lagu taageerayo Go’aamada Mucaraadka iyadoo taliyaasha ciidamadu ay hanjabaad ku jawaabeen

壯陽藥 spect-ratio”>

Xaalada ayaa kacsan iyadoo Muuse biixi uu dhamaaday mudo xileedkiisii Somaliland uu ku xukumayay inkastoo uu ku doodayo in uu heeysto mudo kordhin aan laysla ogolaan

Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka jira ayaa sii xoogeeysanaya iyadoo beesha caalamka ay jartay mashaariicda ay siin jirtay waxaana ka mid ah kaalmooyinka la joojiyay iyo kuwa la dhimay si loogu saaro culeeys

Mashaariicdii ay Somaliland ka wadeen Bangiga adduunka (-39%), mashruuca dalalka Yurub maalgaliyaan ee SDF (-20%), mashruuca maamul daadajinta dawladaha hoose ee JPLG (-9%), mashruuca Jarmalku maalgaliyo ee GIZ ( -38%) iyo mashruuca ILED ( -39%)

Leave a Reply