Nin Soomaali oo ka Carooday Dab La Qabadsiiyay Kitaabka Qur’aanka Ayaa Qirtay Inuu Ka Dambeeyey Kaniisad Lagu Gubay Dalka Norway

Muwaadin Soomaali oo ka carooday fal lagu gubay Kitaabka Qur’aanka oo qirtay inuu ka dambeeyey Kaniisado lagu gubay dalka Norway.

Muwaadin Soomaali ah ayaa la sheegay inuu falkaasi u geystay, kadib, markii Koox Islaam-nacayb oo ka dhisan dalkaasi ay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubeen magaalladda Kristiansand ee dalkaasi dabayaaqadii sanadkii hore.

Lars Rune Ringvik oo ka mid ah Dacwad-oogayaasha dalka Norway waxa uu sheegay inuu Ninka Soomaaliga qirtay inuu dab qabadsiiyey Labo Kaniisad oo ku kala yaalla Magaallooyinka Dombås iyo Sel

Warbaahinta NRK ee dalka Norway waxay shaacisay inuu Ninka Soomaaliga mas’uul ka ahaa dabka la qabadsiiyey Kaniisadahaasi, kadib, markii la sameeyey baaritaano Dheecaanka Hiddo-sidaha ee DNA-da iyo astaamaha Farihiisa laga helay Kaniisadaha

Warbaahinta dalkaasi waxay kaloo sheegeen in Kaniisadda Dombås ee la gubay uu soo gaaray Khasaare lagu qiimeeyey 20 million ee Lacagta Koronka Norway oo u dhiganta 2.2 million o Dollar.

Muwaadinka Soomaaliga ee lagu helay falkaasi oo sanadkii 2015-kii iska dhiibay dalka Sweden waxa uu tilmaamay inuu falkaasi geystay, kadib, markii uu Telefishinada Norway ka arkay dad gubayey Kitaabka Qur’aanka Kariimka, taasina ay ku dhalisay inuu aargoosi ahaan u gubo labada Kaniisad.

Waxa uu intaasi ku daray inuu yahay Muslim, raallina ka ahayn in lagu xad-gudbo Diintiisa, wuxuuna dhanka kale xusay inuu xushmeeyo Diimaha ay dadka kale rumeysan yihiin

Leave a Reply