25″ February “2023
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada ayaa banaanbax ay ku taageerayaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ka dhigay magaalada Toronto.
Banaabaxan taageerada ah ayaa yimid xili uu sii xoogeeysanayo Dagaal culus ilaa fiidnimadii caawa soon gaaray oo ka dhacay magaalada Laascaanood,
Dhimasho iyo dhawaac bandanna oo labada dhinac ah, ayaa la soo sheegayaa.
Cabdirisaaq Maxamed Xasan, oo ah afhayeenka guddiga saddex iyo soddonka oday dhaqameedka ee reer Laascaanood, ayaa dhanka Somaliland ku eedeeyey inay weerarka qaadeen saaka.
Eedaas, ayaa waxaa lagaga jawaabay war saxaafadeed, ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday.
War saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay koox ay ku tilmaantay nabad-diid iyo aragagixiso, inay weerarka ku soo qaadeen ciidamadooda.
Hase ahaatee ciidamada deegaanka, ayaa waxay iyaguna weerarka ku eedaynayaan Somaliland ciidmadeeda, oo ay sheegeen inay iyagu weerarka qaadistiisa bilaabeen.