Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka ayaa soo dhaweeyay Magaacabista Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseyn Rooble.

Qaar ka mid dadkaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in lala shaqeeyo R/Wasaaraha cusub,isla markaana garab lagu siiyo waajibaadka Qaran ee loo idmaday.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka,waxa ay u rajeeyeen Eng. Maxamed Xuseyn Rooble in xilkaasi uu u guto si Soomaalinimo ah oo ay ku dheehan tahay daacadnimo,sida uu ku soo waramay Wariye Abdixakim Cabdi Ismaaciil.
