18″ May”2023″ Muqdisho
Dowladda Soomaaliya ayaa dalkeeda ka ceyrisay labo ka mid ah shaqaalaha Midowga Yurub oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah sawiro uga qaadeen maxaabiis ku jirta xabsi.
War kooban oo uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay ku sheegtay inay go’aankan qaadatay, kadib, markii ay heshay codsi ka yimid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, kaasoo ahaa in dalka laga saaro labadaasi nin.
Wasaaraddu waxay magacyadooda ku sheegtay Jacek Jozef Ochman oo u dhashay Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo Jarmal ah, waxayna ku eedaysay inay ku xad-gudbeen shuruucda dalka.
Labadan non ayaa Waxaa kaloo lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay Midowga Yurub in raggaasi ay uga soo saaraan Soomaaliya muddo 72 saac gudahood ah. VOA Somali ayaa ogaatay inay dalka ka dhoofeen Talaadadii.
Labadan qof ayaa u shaqaynayay Hawlgalka Tayaynta ee Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).
Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa VOA u xaqiijiyey in ceyrintan ay la xiriirto xarigga doomaha Iran iyo 36 kalluumeysato ah oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya. Inta badan kalluumeysatada ayaa u dhashay dalka Iran, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
VOA Somali ayaa heshay warqad uu Maxamuud u diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Jaamac. Maxamuud wuxuu sheegay in Ochman iyo Gehlig ay 30-kii Abriil ku booqdeen maxaabiista xabsiga lagu hayo ee ay leeyihiin booliiska badda Soomaaliya ee ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho “si qarsoodi ah”na ay sawirro uga qaadeen.
“Dambi ayaa la galay iyadoo sawiro qarsoodi ah laga qaaday maxaabiista ku jirta xarun ammaan si loo xumeeyo sumcadda iyo sharafta qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda.
Warqada ayaa sidoo kale lagu sheegay in falka lagu qaaday sawirada si qarsoodi ah uu jabiyay xeerka ciqaabta Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay Ochman oo hogaaminayey kooxda EU-da ee booqatay rakibaadda oo dalbaday sawirada, Gehligna wuu qaatay.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu ka codsaday in raggaasi laga saaro Somaliya, maadaama ay heystaan xasaanad, isla-markaana aan lagu soo oogi karin dembiile.
VOA Somali ayaa xiriir la sameysay howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo AG si ay wax uga weydiiyaan balse ma aysan helin wax jawaab ah.
Bishii Maarso, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in maraakiib shisheeye ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo 2023.
Wasaaraddu ma aysan sheegin dalalka laga leeyahay maraakiibtaasi, balse waxay sheegtay inaysan jirin wax heshiisyo ah iyo ruqsado ay ka heleen dowladda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kalluumeysiga sharci darrada ah uu “khatar weyn” ku yahay kaydka kalluumeysiga Soomaaliya, sugnaanta cuntada iyo deegaanka badda. Waxay ku boorisay dhammaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysta inay isaga baxaan badda Soomaaliya.