15-Feb-2024
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka mamnuucay xirashada indho-shareerka, sababo la xiriira dhanka ammaanka.
壯陽藥Afhayeenka Maamulka Muqdisho Saalax Dheere, ayaa sheegay in xirashada wajiyada ay yihiin kuwo lagu qariyo aqoonsiga, laguna fududeeyo falalka dambiyada.
Maaskarada ayaa si weyn loo isticmaalay intii lagu jiray Covid-19
Maamulka ayaa sidoo kale mamnuucay xirashada koofiyadaha iyo qaadashada hubka ee gaadiidka dadweynaha.
Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii amniga ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir guddoominayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa ka dhacayay falal amni darro, iyadoo khataraha ugu badan ay ka imaanayeen kooxda Al-Shabaab.
Kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ayaa kordhisay weerarada ay ku muujineyso soo laabashada tan iyo markii dowladda Madaxweyne Maxamuud ay billowday duullaanka ka dhanka ah kooxda bishii Agoosto 2022.