Cusbooneysiinta Wararka Ku Saabasan Kulamada Wafdiga Madaxweyne Xasan ee Magaalada Roma


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

30- January-2024″

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga H.E. GiorgiaMeloni Meloni.

Wada-hadallada ayaa salka ku haya sidii loo sii wanaajin lahaa iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Soomaaliya iyo Comoros oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga wuxuu kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Comoros, Azali Assoumani ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, xilli ay ka wada qayb galayeen Shir Madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika.

Labada madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka, sare u qaadidda danaha labada dhinac iyo xoojinta dedaallada iskaashi, si Qaaradda Afrika ay u gaarto mustaqbalka horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla qaatay in ay lama huraan tahay dhowridda madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, si looga mira dhaliyo hiigsigsa iyo horumarka Qaaradda

Dhinaca Kale Wasiirka Gaashaandhigga Somaaliya Iyo Talyaaniga Oo Ku Kulmay Magaalada Rome

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga XFS iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga oo kulan looga hadlayo wadashaqeynta labada Wasaaradood ee Arrimaha Difaaca ku yeeshay Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa inta uu kulanka socday mahad-celin kaddib dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay taageerada Difaaca ee Saaaxibada Caalamka ee xiligan oo ay dolwadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dagaal xooggan oo ay isaga xoreynayaan Ururo Argagixiso ah oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariskaba.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga Guido Crosetto ayaa Kulan ay ku yeesheen Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga kaga wadahadlay xoojinta wadashaqeynta labada wasaaradood ee Arrimaha Difaaca.

Leave a Reply