23- September-2023
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday labada dhinac, kaddib kulan ay magaalada New York ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Harruuse oo kulan doceed kula yeeshay magaaladda New York ee dalka Mareykanka dhiggiisa dalka Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa ka wada hadlay xariirka soo jireeen ah ee iskaashi ee ka dhaxeeda labada dowladood.
Wasiirka oo kulanka ka kadib qoraal soo saaray ayaa yiri “ Waxaan aniga iyo Wwasiirka xiriirka caalamiga iyo iskaashiga South Africa H.E Naledi Pandor ku kala saxiixanay magaalada New York heshiis Iskaashi oo dhabbaha u xaaraya inay labadeenna dal wadashaqayn buuxda ka yeeshaan arrimaha diblumaasiyadda, ammaanka, ganacsiga, la socodka xaaladda Jaaliyadda 壯陽藥 Soomaaliyeed ee South Africa iyo isu socodka guud
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Harruuse ayaa dhiggiisa Wasiirka xiriirka caalamiga iyo Iskaashiga South Africa ka xog waramay taariikhda halgan ee labada dal iyo kaalintii dalkeennu ku lahaa gobonimo doonka South Africa, iyadoo Wasiirku ka mahadcelisay garab istaaggii dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay u muujiyeen xiliga midab kala sooca ka jiray Dalka South Africa