Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo kala saxiixay iyo RW Rooble oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Masar

QAAHIRA — 18″ Aug ” 2021

Dowladdaha Masar iyo Soomaaliyua ayaa magaalada Qaahira ku kala saxiixday heshiisyo la xiriira dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safar shaqo ku jooga dalka Masar, maalintii saddexaad.

Dowladda Masar ayaa oggolaatay inay kordhiso tiradea ardayda Soomaalida ee deeqda waxbarasho loo geeyo dalka Masar.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Kormeeray qeybaha ay ka koobantahay safaaradda,kalaasi oo u kula kulmay howl wadeennadda iyo masuuliyiinta ka howl galah xarunta waxaana uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka.

Waxaana ugu dambeyntii uu RW Rooble xarigga ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay.

Leave a Reply