8″ Feb”2023″ Muqdisho” SONNA

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray Qorshaha Waxqabadka Bani’aadantinimo ee 2023 kaas oo u baahan $2.6B si loogu caawiyo 7.6 milyan oo qof. Soomaaliya
Dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka sh壯陽藥 aqeeya gargaarka bani’aadannimo ayaa maanta ku dhowaaqay inay u baahan yihiin adduun dhan 2 bilyan iyo 600 milyan oo dollar oo wax lagagaga qabto xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya sannadkan 2023-ka.
Hay’adaha ayaa sheegay in dhaqaalahan lagu gargaari doono dad dhan 7 milyan iyo 600 kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya.
Waxay sheegeen hay’adaha gargaarku in dad dhan 8 milyan iyo 250 kun oo qof oo Soomaali ah oo u dhiganta ku dhowaad kala bar dadka Soomaalida ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo naf badbaadin ah, waxayna ka digeen in macluul ay suurtogal tahay.