Soomaaliya: kacdoonk dadka iyo dowlada oo isgarabsanaya ayaa Al-Shabaab ka qabsaday magaalooyin dhowr ah

19″ September “2022” Hiiraan

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ka saaraan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Tuulooyinka dib loo qabsaday ayaa kala ah Aboorey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo, iyo Inameey, kuwaasoo ku yaalla duleedka magaalada Buula-burde, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Taliska guutada Gorgor ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan howlgalada inta ay ka xaqiijinayaan la wareegida guud ahaan deegaanada ay kaga harsan yihiin Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu arkayaa howlgalo xoogan oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dad shacab ah oo hubeysan kuwaasi oo la doonayo in lagu soo afjaro maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan dhulka miyiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabul ay dadka deegaanka ku doonayaan in ay hub uga qaataan Al-Shabaab kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh bishii hore uu sheegay in dhawaan la qaadi doono duulaan dhan walba ah

Shabaab oo gubay tuulada Ceel Jiqo ee Maxaas, Hiiraan. Wali waxaa jira dad raali gelin ka bixinaya kooxdan xun Maxaad samayn lahayd haddii gurigaaga iyo qoyskaaga la soo weeraro? Abaarta? Kani ma Islaambaa?

Leave a Reply