Soomaaliya oo 52 sano ka dib ku fariisaneysa kursiga Golaha Ammaanka

6-June-2024″ Soomaaliya oo 50 sano ka dib ku fariisaneysa kursiga Golaha Ammaanka

Somalia ayaa maanta ka mid noqoneysa 15-ka dal ee muddo xileedka 2025-2026 fariisanaya Guraasta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ka dib codeyn qarsoodi ah oo ka dhacaysa xarunta QM ee New York.

193-da dal ee ku jira Golaha Guud ee QM oo Khamiista maanta ah yeelanaya kalfadhigoodi 78-aad, waxaa ajandaha ugu jira in ay ansixiyaan xubinnimada shanta dal ee kala ah Denmark, Greece, Pakistan, Panama and Somalia, ku waa oo matalaya gobollada ay ku kala yaallaan.

Shanta dal ee maanta la dooranayo oo kuraasta fadhinaya muddo labo sano ah, waxay beddeleen dalal kala ah Mozambique, Japan, Ecuador, Malta and Switzerland oo muddo xiloodkoodi dhmmeystay.

Golaha Ammanka ee QM wuxuu ka koobanyahay 15 dal , ku waas oo isugu jira 5 rigli ah (Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska iyo Shiinaha), iyo 10 meerto ah oo sannadkiiba 5 la doorto.

Soomaaliya oo aan korsigan lagula tartameyn, waxaa Golaha Ammaanka ugu dambeysey muddo xileedkii 1971-1972.

Leave a Reply