9″ Apr” 2022″ Muqdisho
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa amar ku siisay Hoggaanka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in ay dal ku galka kala laabato Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Fransisco Madera oo dhowaan uu dalka eryay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal Wasaaradda diray Hay’adda Socdaalka oo nuqul kamid ah ay heshay KNN ayaa lagu sheegay in aanu Madera dalka imaan karin, maadaama aan wadanka laga rabin.
Sidoo kale, laga billaabo maalinta berri oo ku beegan 10- April si ku meel gaar ah waxaa loo joojiyay shaqada Terminalka MOVCOM oo ay isticmaalaan Hay’addaha shisheeye sida Howlgalka Qaramada Midoobay iyo ATMIS.
Amarka ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ku soo aadaya Xilli Midowga Afrika ay ka horyimaadeen, tillaabadii uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku eryay Danjire Fransisco Madera.
Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda