SOOMAALIYA oo gaartay guul kale oo weyn

Waxaa si guul ah ku soo gaba-gaboobay dib-u-eegistii 2-aad ee barnaamijka ay taageerto hay’adda lacagta adduunka IMF ee dib-u-habaynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan oo Sabtidii lasoo dhaafay ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa intii uu socday kulankan dib-u-eegista ah diiradda lagu saaray sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay sii wadidda qorshayaasha horumarineed ee maaliyadda iyo dhaqaalaha xaaladda maanta taagan iyo u gogol xaaridda Sadaxda sano ee soo socota halka la filayo in uu ahaado tiigsiga Dowladda.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo xiritaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhammaan ku guulaysatay fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii horumarinta dhaqaalaha marka loo eego wada xaajoodka rowladdu ay la lee dahay Hey’adda IMF.

Yoolasha la gaaray ayaa waxaa kamid ah sida uu tilmaamay wasiirku, dakhliga dowladda oo kobac sameeyay kadib markii la casriyeeyay habka iyo nidaamkaanka uruurinta, maareynta maamulka kharashaadka dowladda, iyada oo la marinayo habraacyada shuruucda maaliyadda.

Sidoo kale Bangiga Dhexe ayaa xaqiijiyay dhammaan himilooyinkii lagu hormarinayay siyaasadaha iyo shuruucda bangiga.

Waxaa kale ee uu xusay wasiirka maaliyadda in dowladda Soomaaliya lagu amaanay qorshaha isbedelka qaranka (National Transformation Plan) oo hadda ay ku howlan tahay xukumaddu in ay soo dhameystirto.

Ugu dambeyn, wasiirka maaliyadda XFS ayaa u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin laf-dhabarta dowladda ku waas oo qeyb weyn ka qaatay isbedelka, horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, isagoo ku amaanay dadaalkooda cashuur-bixineed iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb-galay wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorshaynta, wasaaradda batroolka, wasaaradda cadaaladda, bangiga dhexe ee Soomaaliya, xafiiska xisaabiyaha guud, xarunta warbixinada maaliyadda, lataliye-yaasha dhaqaalaha ee xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.