17″ Aug2022″Radio Muqdisho

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir-kuxigeenka Wasaaraadda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay Wakaaladda CDC Africa taasoo lagu dhisaayay Guddi heer Wasiiro ah kuwaas oo marjac u ah CDC Afrikada bari oo ka kooban 14 wadan.

Madasha Guddiga fulinta ee CDC da Afrikada bari ayaa waxaa si rasmi guddoomiye loogu doortay犀利士 Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, taas oo uu kumatali doono Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. HE: Dr. Maxamed Xassan Maxamed,

Laga billaabo maanta wuxuu hogaamin doonaa Wakaaladda Xarunta Isku xirka CDC ee Bariga Afrika (CDC East Africa Coordination Center), iyo Guddigeeda sare ee heer Wasiiro.

Guushaan ayaa qeyb weyn ka ah dadaaladda ay Soomaaliya ka sameysay fagaarayaasha Caafimaadka ee Dunidu ku wadaagto warbixinadda iyo horumarada Caafimaadka aduunka.

Arintaan ayaa fursad siin doonta si ay galangal ugu yeelato fadhiyada lagu gorfeeyo Caafimaadka ee heer gobol iyo Guud ahaan Caalamka.