Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Soomaaliya oo ka laabatay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro xaafiiska howlgalka QM ee UNSOM.
Qoraal burinaya dalabkii hore oo kasoo baxay dowladda fadaraalka Soomaaliya oo loo diray UN-ka ayaa taas bedelkeeda dowladdu ku dalbatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya marxalada kala guurka

Warqada cusub oo ay dirtay DF ayaa lagu cadeeyey in ay diyaar dhankeeda u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka, gaar ahaana UNSOM.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa cadaadis xoogan kala kulmay qodobkan, waxaana wada hadal telfoon oo ay yeesheen xoghayaha guud ee QM iyo Xassan Sheekh heshiis lagu gaaray magacaabida guddi gaar ah oo UNSOM Shaqadeeda dib u qaabeeya la magacaabo.