19″ October “2022

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qayb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Booliska Adduunka ee INTERPOL.
Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165 dalka ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar
Shirka inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa ka hortagga denbiyada maaliyadeed ee caalamiga ah, wax kaqabashada burcadda Internet-ka, la dagaallanka argagixisada, ka hortagga denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan ka mid ah khataraha uu wajahayo guud ahaan amniga caalamku.