31- August-2023
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Aadan Xaadow ayaa tilmaamay in guddiga farsamada ee Soomaaliya iyo Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika in waxyaabaha ay isku afgarteen loo gudbinayo Golaha Wasiirada ee dalalka EAC, si ay u meel mariyaan 壯陽藥 oo ugu sii gudbiyaan Madaxda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Mudane Xamse oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in shirka guddiga farsamada ee ku saabsanaa ku biirista Soomaaliya Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika uu ku soo dhamaaday jawi isfaham ah, isla markaana ay ku rajo weynyihiin in Soomaaliya ay ku biirto dhamaadka sanadkan dalalka EAC.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda mudane Xamse Xaadow “Dalkeennu waxa uu ka gudbay wajiga wada xaajoodka, waxaana fileynaa inta aan December la gaarin in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”
“Soomaaliya haddii ay ku biirto suuqa dhaqaalaha Bariga Afrika fursad weyn ayay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigooda u iib geyn karo dalalka EAC, waxaana sidoo kale ay bulshadeenu fursado u heleyaan inay si xor ah ku dhex safraan bulshada Bariga Afrika”. Ayuu Xamse Xaadow hadalkiisa ku daray.
Dhankale kale mudane Xamse Xaadow ayaa bogaadiyay guulaha la taaban karo ee ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka soo hooyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ku baaqay in si wada jir ah loo taageero ciidanka.