13- December-2023
Soomaaliya ayaa ku biirtay liiska dowladaha aan deeynta lagu laheyn kadib markii laga cafiyay deyn sanooyin badan lagu lahaa oo gaareysa 4.5 bilyan
Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.
Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday sanadkii 2016 Waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabidihii ku horgudbanaa dowlad dhiska iyo madax bannaanida, kaddib markii dhowaan dowladdu ku guuleystay in dalka laga qaado Cunaqabateyntii hubka ee saarneed 31 ka sano isla markaana ay xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya Ururka iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika.
Soomaaliya oo gaartay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo la taaban karo oo la xiriira halgankeeda ku aaddan xoreynta dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed Iyo Amniga
Xaflad loogu dabaal degayo guusha taariikhiga ah oo ka socoto Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Ra’iisul Wasa犀利士 araha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre “ Caawa waa habeen bilow u ah in qaab cusub Dunida inoola macaamisho, sidoo kale waxa ay inooga dhigantahay gushaan habeenkii Calankeena Cawaale dalka laga taagay.”