28″ October “2022” New York Times
Wargeyska The New York Times ayaa qoray in maamulka Biden uu ka fekerayo codsi uga yimid dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in Mareykanka uu dabciyo xayiraadaha duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga ay la beegsanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen dhowr sarkaal oo Ameerikaan a犀利士 h.
Codsigan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maamulka Hassan Sheikh uu bilaabay guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ayna qeyb ka yihiin dadka degaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in howlwadeenada militari ee Mareykanka ay awood u yeeshaan inay weeraraan kooxda Al-Shabaab – xitaa haddii aanay markaa ku lug laheyn weerar toos ah oo ka dhan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee xulufada la ah.
Saraakiisha Mareykanka ayaa tallaabadaas u arka inay xoojin karto ku lug lahaanshaha Mareykanka ee la-dagaalanka argagixisada Soomaaliya.
Sida uu qoray New York Times, saraakiisha Mareykanka qaarkood ayaa rumeysan in Soomaaliya ay ugu dambeyn sameyneyso isbeddel, halka kuwa kale ay qabaan shaki ah in Xasan Sheekh aanu sii joogteyn doonin wax ay ugu yeereyn “bisha malabka” marka la eego taariikhda waxqabad xumo ee dowladda Soomaaliya.
Biden ayaa kale dhawaan 450 askari oo Maraykan ah dib ugu soo daad gureeyay Soomaaliya, isagoo ka noqday ka bixitaankii degdega ahaa ee Trump amray Janaayo 2021.