28- March-2024- Muqdisho
Soomaaliya oo sheegtay inay ku dhiiraneyso soo saarista shidaalka dalka mudo ka yar laba sano
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo ka yar laba sano ay kusoo saari doonto shidaalka dalka oo qodistiisa ay bilaha soo socda billaabayaan.
Hadalkan ayaa imanaya ayada oo Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis is-afgard ahoo ku saabsan soo saarista shidaalka iyo Gaaska, kaasoo Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga.