21- August-2023
Dawladda Soomaaliya waxay soo rogtay amar ay shirkadaha Internetka bixiya ku joojinayaan in dadku isticmaali karaan barnaamijyada TikTok, Telegram iyo 1XBET.
Sababta waxaa lagu sheegay inay ‘argagixisadu adeegsato’ iyo in’lagu faafiyo waxyaabo anshaxa ka horjeeda’. Wasiirka isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyada Jaamac Xasan Khaliif oo BBC uga warramay sababata go’aankan keentay wuxuu yiri “Waxa kallifay waa mushaakilka ay ku hayaan bulshada, sida loo isticmaalayo oo ah si aan ku haboonayn anshaxa, carqaladna ku ah amniga”.
Haddaba maxay yihiin barnaamijyadan, maxaase ka jirya eedeynta ay dawladda Soomaaliya u jeedinayso?
TikTok
Waa bar internet iyo barnaamij lagu wadaago fiidiyowyo gaagaaban oo nooc kasta leh. Fiidiyowyada la soo dhigo waxay u dhaxeeyaan 3 seken ilaa 10 daqiiqo. Waxaa lagu dhaliilaa in faafreeb aysan ku samayn waxyaabo badan, waxaana laga leeyahay Shiinaha.
Telegram
Waa barnaamij internet oo la isugu diro farriimaha iyo wicitaannada codka iyo fiidiyowga, waxaana laga leeyahay Ruushka.
Telegram wuxuu sheegaa in sida Whatsapp aysan cid kale suurtogal u ahayn inay arkaan ama dhagaystaan farriimaha ay laba qof isku dirayaan maadaama ay yihiin kuwo qafilan (encrypted).
Wuxuu ku shaqeeyaa barnaamijyada telefoonnada ee iOS oo la bilaabay bishii Agoosro 2013 iyo Android oo la bilaabay Oktoobar 2013.
Kombiyuutarrada xogta haya ee Telegram waxay kala yaallaan 5 meelood oo dunida ah, waxaase xarunta hawlgalinta ee barnaamijkan ay ku taallaa Dubai.
Sannad ka dib Telegram wuxuu sheegay in macaamiishiisu ay gaareen 35 malyan oo qof. Wararkii ugu dambeeyey ee barnamijkaas laga soo xigtayna waxay sheegayaan in ilaa iyo bishii Luulyo ee sannadkan dadka ku xiran ee bil kasta isticmaala ay ka sare mareen 800 oo malyan
1XBET
Waa bar khamaarka internetka lagu cayaaro, waxaana mamnuucday hay’adda canshuuraha Maraykanka bishii Janaayo ee sannadkan. Waxaa la aasaasay 2007.
Inkastoo shirkadaas ay sheegtay inay kacday bishii Juun 2022, misna weli waa ay shaqaynaysaa.
Bishii Luulyo 2019 waxaa heshiis wada shaqayn la gashay kooxda kubadda cagt犀利士 a ee Barcelona.
Waxa lagu eedeeyey in siyaabo sharciga ka baxsan ay u shaqayso, waxaana guddi baaris oo Ruush ah ay shaaciyeen bishii Agoosto 2020 magacyada rag la aaminsan yahay inay abuureen oo la kala yiraahdo Sergey Karshkov, Roman Semiokhin iyo Dmitry Kazorin.
Dhallinyaro badan oo Soomaalina ay ku jiraan ayaa bartan ku xiran, waayo waxaa uu qofku ku guulaysanayaa lacag, inkastoo sidoo kalena uu ku weynayo lacag. Culiamda ayaa iyagana ku tilmaama inay tahay mid aan shareecada islaamaka waafaqsanayn maadaama diinta islaamka ay mamnuucday Khamaarka.
Sidee looga falceliyey joojinta barnaamijyadan
Dad badan oo baraha Bulshada isticmaala waxay aad u hadal hayeen go’aankan ka soo baxay dawladda Soomaaliya.
“Seddexdaan in la tuuro waa talabo wanaagsan” sidaa waxaa yiri Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka mid ah hal abuurka Soomaaliyeed.
“In dawladdu xirto TikTok iyo wixii la mid ah waa arrin bogaadin iyo waxqabad muuqda oo dawladdu dalka u qabatay, laakin sharci darro laguma xiri karo. Arrintan ma aha mid uu wasiir go’aan ka gaari karo, go’aankaas waxaa gaari kara golaha shacabka” Sidaa waxaa yiri Cali Yare Cali oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir.
“TikTok xiridiisa waxaa ka horreysa in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada. Nin shaqeeya wakhtiba uma hayo daawashada TikTok” ayuu yiri Cabdiweli Axmed.
Go’aanka joojinta ma hirgali doonaa
Go’aankan waxay u badan tahay in shirkadaha internetka bixiya ee ka hawlgala deegaannada ay dawladda Soomaaliya gacanta ku hayso ay fulin doonaan, laakinse lama oga meelaha aysan dawladdu ka talin sida uu uga hirgali doono.
Arrinta kale ee muhiimka ah in hoosta laga xarriiqo waxay tahay in uu jiro barnaamij la yiraahdo VPN oo dadka u suurtogalin kara in ay isticmaalaan barnaamijyadaas xataa haddii la joojiyo.
Laakinse su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay xiritaanka barnaamijyadan ma waafaqsan yahay shuruucda iyo xuquuqaha caalamiga ah ee ay dadku leeyihiin.