11″ May “2021”MUQDISHO
Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay joojisay dhammaan duulimaadyada iskaga gooshayay Soomaaliya iyo Kenya marka laga reebo diyaaradaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadminnimada iyo kuwa daadguraynta caafimaad ee degdegga ah.
Saraakiisha Soomaalida waxay sheegeen inay la yaabeen tallaabada ay Kenya qaadday.
Tallaabada ayaa timid maalmo yar uun kadib markii dawladda Soomaaliya ay si lama filaan ah ugu dhowaaqday inay xiriirkii lasoo ceshanayso Kenya.