Soomaaliya: Sidey U Dheceen 5—tii Doorasho Ee la Qabtay 20-Kii Sano Ee La Soo Dhaafay

Warbixin Bbcsomali.com

Tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1990, waxaa dalka soo maray marxalado kala duwan iyo doorashooyiin.

Shacabka fursad umaysan helin in dhammaan doorashooyiinkaas ay codkooda ka dhiibtaan, waxaana madaxdii xilalka madaxwaynanimada lagu soo doortay qaabab dadban oo aan codeyn toos ah ahayn.

Balse doorasashaba doorashadii ay ka dambeysay waxaa la sameynayay isbadal islamarkana waxaa lagu darayay qaabab cusub.

Waxaan qorimadan ku eegaynaa sooyaalka doorashooyiinkii Soomaaliya ee 20-kii sano ee ugu dambeeyay la qabtay iyo qaabkii ay ahaayeen.

Doorshadii Carta – Cabdiqaasim Salaad Xasan

Madaxweyne C/qaasim salaad

Dalka Jabuuti waxaa sannaddkii 2000 lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ay garwadeenka ka ahayd dowladdii Jabuuti iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.

Shirkaas waxaa la isugu keenay siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo aqoonyahanno ka kala yimid daafaha dunida oo Soomaali ahaa, waxaana lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Dood dheer iyo shirka oo muddo socday ka dib, waxaa la soo dhisay baarlamaan lagu qeybiyay nidaamka loo yaqaano 4.5 oo ay beelaha Soomaalida ilaa hadda ay wax ku qeybsadaan.

Jimcihii 25-kii August sannadkii 2000, wuxuu ahaa habeenkii ugu dheeraa ee taariikhda Soomaalida soo mara muddooyinkii ka dambeeyey dowladnimada Soomaaliyeed, waayo waxa uu ahaa habeenkii ay doorashada ka dhacaysay teendhadii magaalada Carta ee lagu dooranayey madaxweyne Soomaali ah.

Munaasabaddaas waxay ahayd mid si toos ah ay idaacadaha iyo telefishannadaba ugu soo tebinayeen dadweynaha Soomaaliya meel kastoo ay dunida ka joogeen, waxaana si weyn loogu qanacsanaa sida cad ee aan shakiga ku jirin ee ay cod-bixintaasi u dhacaysay.

Ugu dambeyntii waxaa doorashadaasi Carto ku soo baxay Cabdiqaasim Salaad Xasan oo soo dhisay dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya.

Doorashadii Eldoret – Cabdillaahi Yusuf Axmed

Embakasi oo ku taalla dalka Kenya waxaa ka dhacay shir wayn oo loo qabtay siyaasiyiinta iyo odeyaasha Soomaaliya si dib u heshiisiin loogu sameeyo.

Shirkan oo muuddoo socday ka dib waxaa la soo xulay baarlamaan lagu qeybsaday 4.5 oo ah nidaamkii ka soo bilaabmay Carta

Madaxweyne C/laahi yuusuf

10-kii bishii Oktoobar ee sannadkii 2004, waxay ahayd maalintii doorashooyinka madaxweynenimada Soomaaliya, taas oo ay u sharaxnaayeen illaa 26 musharax.

Doorashadan oo goor duhurnimadii ah billaabtay waxaa la isla gaaray ilaa saddex wareeg oo si xoog leh loogu tartamay codadka mudaneyaasha baarlamaanka.

Wareeggaas ugu dambeeyay waxaa ku soo baxay Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo xilka banneeyay 2008-dii.

Doorashadii Jabuuti ee Sheekh Shariif.

Dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ragaadiyay khilaaf iyo dagaalkii ay kula jirtay Maxkamadihii ururo kale.

Waxaa khilaaf dheer oo u dhaxeeyay madaxwayne Cabdulahi Yusuf iyo Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) ka dib xilka iska casilay Cabdulahi Yusuf.

Ka dib waxaa la guda galay sidii loo soo dooran lahaa madaxwayne Cusub. Dowladda Jabuuti ayaana mar kale dhinacyadii Soomaalida shir u qabatay

Madaxweyne Sh shariif sh axmed

Waxaa shirka ka qeyb galay isbahaysigii Casmara ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheex Axmed iyo dhinicii dolwadii kumeelgaarka ahayd.

Markale, sidii hore, waxaa la soo xulay baarlamaan labada dhinac ka koobnaa oo aysan jirin cid soo dooratay. Ugu dambeyntii waxaa la qabtay doorasho, bishii January, 2009-kii

waxaa doorashadaas ku guulaystey Sheekh SHariif Sheekh Axmed. Dowladdii Sheekh Shariif markii uu muddo xileedka ka dhammaaday waxay ku darsatay muddo sannad ah oo suurageliyay in markii ugu horeysay gudaha Soomaaliya lagu doorto madaxweyne, laguna soo xulay baarlamaan, sannadkii 2012-kii.

Doorashadii Muqdisho ee Xasan Sheekh Maxamuud

Dowladdii Sheekh Shariif waxay diyaarisay doorasho ka ballaaran kuwii hore islamarkana waxaa markii ugu horeysay tan iyo burburkii gudaha dalka lagu qabtay doorasho.

Madaxweyne Xasan sh Maxamuud

Dowladdii KMG ee uu hogaamiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa ay muddo xileedkeeda ku darsatay hal sono ah iyo dhowr bilood.

Doorashadaas waxaa baarlamaanka soo xulay 136 odayaal dhaqameed ah, waxaana la soo xulay baarlamaan ka koobnaa 275.

Bishii August 2012-kii, waxaa la soo dhameystiray xullidda baarlamaanka islamarkana waa la dhaariyay.

10-kii bishii September ee isla sannadkaas waxaa magaalada Mudisho ka dhacday doorashadii ugu horeysay ee gudaha dalka lagu qabtay.

Doorashadaas oo ay dhowr musharax ku tartameen waxay gaartay ilaa seddax wareeg.

Wareegii seddaxaad waxaa isugu soo haray Madaxwaynihii xilka hayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo codeynta ku guuleystay.

Dowladdii madaxwayne Xasan Sh Maxamuud ayaa noqotay middii ugu horeysay ee rasmi ah oo waxaa uu dalka ka baxay nidhaamkii KMG.

Waxaa dhowaan Soomaaliya ku soo idlaaday doorashada xubnaha aqalka sare

Waxaa dowladdii madaxwayne Xasan Sheekh laga sugayay in dalka ay gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.

Balse taasi ma dhicin oo waxaa bishii April 2016 uu rai’sul wasaarihii Soomaaliya xilligaasi Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke uu hortagay Baarlamaanka isaga oo sheegay in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah, lana ansixiyo heshiiska geedi socodka doorashada.

Doorashadii Muqdisho ee Farmaajo.

Waxaa heshiis geedi socodka doorashada ah ansixiyay madashii wadatashiga qaranka ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo nidhaamkaa dejiyay ka dib markii ay arkeen in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah.

Madaxwayne Farmaajo

Muddo dhowr bilood ah ka dib waxay dowladdii Xasan Sheekh ku guulaysatay in odeyaal la isu keenay oo 51 ah ay doortaan xildhibaanka beeshooda ku matalaya baarlamaanka, balse hannankaas wuxuu ahaa mid 4.5 ku saleysan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in markii ugu horeysay la soo doortay xubnaha aqalka sare ee sanatarada oo ka kooban.

Waxay xubnahaas aqalka sare matalayaan maamul goboleedyada laga soo doortay.

Labada aqal oo isku dhaf ah waxay 8-dii bishii February ee sannadkii 2017-kii doorteen madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiyihii baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay in hal xildhibaan oo xanuusan oo kali ah uu ka maqnaa codeyntaas.

Doorashada hadda

Weli wuxuu muran iyo khilaaf ka taagan yahay qaabka ay u dheceyso doorashada Soomaaliya ee la filayo in muddo bilo ah gudahood lagu qabto.

Guddiga doorashada Soomaaliya waxay soo jeediyeen dhowr qaab oo doorashada ay u dhici karto, shacabkana ay codkooda uga dhiiban karaan balse waxay xaqiijiyeen in muddo kororsi uu jirayo.

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre oo isugu tagay magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda sheegay in ay ku heshiiyeen in muddo xileedka dowladda hadda aan la kordhin doonin, balse guddo ay u saarayaan si ay u soo diyaariyaan hannaan doorasho ay uga dhici karto Soomaaliya.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa diidan in la baalmaro xeerka uu dhowaan ansixiyay golaha shacabka ee doorashada Soomaaliya.

Bbcsomali.com

Leave a Reply