Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka digtay Isticmaalka dawooyinka la xakameeyey

21″ March “2023

Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka digtay in dhakhaatiirtu ay qoraan dawooyinka la xakameeyey, waxaana dhakhaatiirta lafaha loogu baaqay inay isdiiwaangeliyaan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amarro lagu xakameynayo isticmaalada dawooyinka oo ay sheegtay in lagu yareynayo waxyeellaada caafimaad ee ka dhalata.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Ayadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo kuwaas oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed