Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
14″ February “2023”
Somalia🇸🇴waxaa laga Cafiyay deyntii sanduuqa Qaramada Midoobe ee Horumarinta Beeraha iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntaas Dheeho.com
Madaxweynaha #Somalia_Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay kalfadhiga 46-aad ee Sanduuqa Horumarinta Beeraha Qaramada Midoobay ee IFAD ayaa uga mahad celiyay cafiska deymihii lahaa Soomaaliya oo dhan 30 milyan oo dollar.
Madaxweynaha Jamhuuriyadavada ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo bandhigay fursadaha horumarinta beeraha Somalia iyo caqabadaha ku xeeran, ayaa nasiib darro ku tilmaamay Soomaaliya oo dal hodan ah in dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah.
Madaxweynaha Somalia Dr Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ku macneeyay caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha Somalia inay ugu horreeyso dhibaatada argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada beeraha.
“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan ayuu xusay Madaxweyne Xasan Shiikh oo soo hadal-qaaday dhulka laga xoreeyay Argagaixisada Shabaab
Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto” ayuu yiri hogaamiyaha Somalia
Madaxweynaha Somalia ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalka, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka,