Soomaaliya xanuunka covid-19 oo soo laba kac leeyay

12″July”2021″ Muqdisho

Dadka uu soo ridanayo cudurka Covid 19 dalka Soomaaliya oo sii korortay

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay kiisaskii ugu dambeeyay ee laga helay Soomaaliya ee cudurka Karoonaha, waxaana wasaaradda ay sheegtay in sare u kac uu jiro iyadoo dalka laga helay 41 ruux 24kii saac ee ugu dambeysay.

Baaritaan lagu sameeyay 3,883 ruux 72 saacadood ee ugu dambeysay ayaa laga helay dad gaaraya 41 ruux oo uu ku dhacay Covid 19.

Dadkan laga helay ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin dowlad goboleedka Puntland waxaana laga helay illaa 22 ruux, halka gobolka Banaadir laga helay 7 ruux,Jubbaland 7 ruux iyo Somaliland oo laga helay 5 ruux, halka labo ruux ay u dhinteen cudurkan.

Hase yeeshee qoraalka ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka dowlada federalka ayaan lagu xusin dowlad goboleedyada Hirshabelle,Koofurgalbeed iyo Galmduug dad laga helay cudurka Covid 19.

Leave a Reply