South Africa oo is hortaagtay Israel dalbeekeedii ahaa ka mid noqoshada midowga Africa

31′” July * 2021

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa asbuucii lasoo dhaafay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israel ee u fadhiya dalka Itoobiya, Chad Aleli Admasu.

Qoraalka kasoo baxay Waaxda Iskaashiga caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in go’aankan ay kaligood qaateen Komishinka Midowga Afrika iyagoo aan kala tashan 55 wadan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Hadalka kasoo baxay Koonfur Afrika ayaa waxaa sidoo kale taageeray dowlada Aljeeriya.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalkii dhibaatada badan kala kulmay Israel oo gacan siin jirtay dowladii cunsuriga ahayd ee Apartheidkii kasoo talin jiray dalkaasi.

Leave a Reply