10- July-2023
Ciidamada ilaalada xeebaha Spain ayaa badbaadiyay 86 qof intii ay ku guda jireen baadi goobka doon muhaajiriin ah oo la la’yahay
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa soo badbaadiyay 86 qof oo la socday dooni kadib markii ay b壯陽藥 ilaabeen baadigoob ay ku baadi goobayaan tahriibayaal badda lagu waayay in ka badan todobaad ka hor.
Markabka la badbaadiyay ayaa la sheegay in uu 70 nautical miles (130km) koonfur-galbeed kaga beegan Jasiiradda Canary, waxaana la socday dad ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.
Saraakiisha Isbaanishka ayaa sheegay in ay gurmad u fidiyeen dooni kale oo ka ag dhawaa.
Labo doonyood oo isku mid ah oo ay saarnaayeen tobanaan qof oo kale ayaa la sheegay in wali la la’yahay. Waxaa jira faahfaahin yar oo iyaga ku saabsan.
Walking Borders, oo ah koox ka shaqeysa gargaarka muhaajiriinta, ayaa BBC-da u sheegtay in mid ka mid ah ay saarnaayeen ilaa 65 qof, halka midka kalena uu gaarayo 60 qof.
Waxaa loo malaynayaa inay Senegal ka baxeen 23kii Juun – afar maalmood ka hor markabkii weynaa. Midkani wuxuu ka soo shiraacday Kafountine, oo ah magaalo xeebeed ku taal Senegal oo qiyaastii 1,700km u jirta Tenerife, sida laga soo xigtay Walking Borders.
Kooxda ayaa mar sii horreysay ku qiyaastay in markabka weyn ay saarnaayeen 200 oo qof – oo ay ku jiraan carruur badan – markii uu ka tagay Kafountine 27-kii Juun, kuna sii jeeday jasiiradaha Canary.
Markabka ilaalada xeebaha iyo markabka konteenarada ee caawiyay ayaa hadda ku wajahan jasiiradda Gran Canaria, sida lagu sheegay xogta dabagalka badda ee ay kormeerayso BBC Verify.
Dadka la soo badbaadiyay ayaa isugu jira 80 rag ah iyo lix dumar ah. Ma cadda in dhammaan dadkii la socday doonida la badbaadiyay iyo in kale.