SSC Khaatumo Iyo Somaliland oo ku dagaalamay Deegaan Hoos Taga Buuhoodle

Ciidamo kala taabacsan maamullada SSC-Khaatumo iyo Somalilad ayaa lagu soo warramayaa inay xalay ku dagaalameen deegaan hoostaga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Togdheer.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid ka dagaal markii ay ciidamada Somaliland yimaadeen deegaanka  Qorilugad oo ay difaac uga jireen ciidanka SSC.

Sidoo kale waxaa jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada SSC-Khaatumo oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.