Bashkhad ay ku jirtay suntan loo yaqaanno ricin, oo loo soo diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan gaadhin Aqalka Cad, sida ay saraakiil u sheegeen warbaahinta Mareykanka.
Warqadani ayaa lagu qabtay horraantii toddobaadkan goobta lagu baaro warqadaha lagu soo diro boostooyiinka ee qalaka cad, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.
Waxay saraakiisha intaa ku dareen in walxaha laga dhex helay bashqadaasi la sheegay in ay yihiin suntan loo yaqaano Ricin oo ah sun dilaa ah.
Maaamulka madaxwayne Trump ayaan wali ka hadlin arrintani.
Laanta dambi barista Mareykanka ee (FBI) iyo ciidamada gaarka ah ee ilaaliya madaxwaynaha ayaa waxay baarayaan halka ay bashqadani ka timid iyo in ay jiraan bashqado kala oo lagu soo diray boostooyiinka Mareykanka.
“Xilligan ma jirto halis ku soo food leh dadwaynaha ,” waxaa sidaasi telefishinka CNN u sheegay saraakisha FBI.
Mid ka mid saraakiisha ayaa u sheegay wargeyska New York Times in bashqada ay walxaha sunta ku jirtay laga soo diray dalka Canda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in suntan loo yaqaano ricin la xaqiijiyay ka dib tijaabo ay sameeyeen saraakiisha laanta dambi barista ee FBI.
Booliiska dalka Canada ayaa waxay dhankooda sheegeen inay la shaqaynayaan FBI Mareykanka si loo baaro “warqdan laga shakisan yahay ee loo soo diray aqalka cad”.
Wa walxo dilaa ah oo haddii la liqo ama uu qofka sanka saarto ama lagu duro sababi kara, yaq-yaqsi, mantag, dhiig gudaha kaaga furma iyo waliba xubnaha jirkaaga oo shaqada gaba.
Hadii uu qofka isticmaalo suntan loo yaqaano ricin waxaa uu u dhiman karaa muddo 36 saacadood ilaa iyo 72 saacadood, iyada oo ay ku xiran tahay inta uu qofka ka isticmaalay, sida ay sheegtay xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee Mareykanka.