932 Dukaan,ayaa ku gubtay dabkii xalay ka kacay suuqa magaalada Jigjiga ee ismaamulka Somalida Itoobiya

犀利士 arge-font-size”>8- July-2023- JigJiga

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dabkii xoogganaa ee xalay ka kacay Suuqa weyn ee ku yaalla magaalada Jigjiga, dabkaasi oo socday saacado dhowr ah.

Wasiirka Xafiiska Warfaafinta dowlad deegaanka C/qaadir Rashiid Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in dabku socday mudo 5 saacadood, iyadoo lagu guulaystay in la xakameeyo ugu danbayntii.

Mas’uulka ayaa cadeeyay inay dabkaasi ku bas beeshay badeecadii taalay iyo hantidii 932 Dukaan, halka ay xukuumada DDS samaysay Guddi baaritaan ku sameeya khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkaasi.

Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumad Cumar oo ay wehelinayaan masuuliyiinta kale ee deegaanka ayaa indhahooda ku soo arkay xarunta dabku ka kacay, iyagoo halkaasi ku soo arkay khasaaraha ka dhashay

Suuqa Taywanka Jigjiga ee Xaafada 7aad oo dab qabsaday ayaa gubanaya

Suuqa Taywanka Jigjiga ee ismaamulka soomaalida itoobiya oo qabsaday ayaa gubanaya, iyadoo ay jirto iskudayo la doonayo in lagu damiyo dabka