October 27, 2023″
Hay’adda socdaalka ee Sweden ayaa war kasoo saartay ninkii dhowaan qayb kamida kitaabka Qur’aanka ah ku gubay Magaalada caasimadda ah ee Stockholm ee dalka Sweden.
Dowladda ayaa sheegtay in guud ahaan Sweden laga musaafurinayo Salwan Momika oo ah ninka kitaabka gubay isla markaana sababay rabshado ka dhacay magaalooyin katirsan Sweden.
Afhayeen u hadlay maanta Hay’adda Socdaalka Sweden ee loo yaqaanno (Migrations Verkets) ayaa sidaas sheegay.
Salwan Momika, ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadanayo arintaan, waxa uuna hadda haystaa degenaasho KMG ah oo ka dhacaya 16-ka bisha April ee 2024-ka.
Ninka kitaabka gubay ayaa warbaahinta u sheegay inuu doonayo inuu racfaan ka qaato go’aanka sida ugu dhakhsaha badan.
Sidoo kale waxaa laga mamnuucay inuu soo laabto muddo shan sano ah, haddii ay suura gasho in dalka laga musaafuriyo.
Waxaa la saadaalinayaa in ninkan uu la kulmi karo jirdil iyo tacadiyo, maadaama ay caro badan ka dhalatay falkii uu ku kacay eek u gubay qaybo kamida kitaabka Qu’aanka kariimka ah.
“Kama tagayo Sweden, halkan ayaan ku noolaan doonaa oo ku dhiman doonaa. Hay’adda laanta socdaalka waxay samaysay khalad wayn. Waxaan tuhunsanahay inay jiraan gacmo siyaasadeed oo qarsoon oo ka dambeeya go’aankan”, ayuu yiri Salwan Momika.
Maxaan ka ognahay ninkaan carabka ah ee gubay kitaabka Qur’aanka?
Salwan Momika ayaa dowladda Sweden ka codsaday in uu sameyn karo dibad bax u uku gubayo kitaabka Qur’aanka kariimka ah, iyadoo loo fasaxay, xilli Sweden ay sheegtay in ay oggoshahay xorriyadda hadalka.
Ninkan ayaa kitaabka ku hor gubay masaajid weyn oo ku yaalla magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden.
Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka Qur’aanka kariimka.
Telefishinka SVT 犀利士 ee dalka Sweden ayaa markii baahiyay in bandhiggaasi uu ku dhamaaday si nabad ah, iyaga oo sii raaciyey in ninkii ka dambeeyay banaanbaxa uu jeexjeexay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, uu bogag ka mid ah kabihiisa ku masaxay halka uu qaarna ku laalaabay hilib doofaar oo cayriin ah oo uu watay, arrintaas oo dad badan u arkayeen in uu rabay in dareenka dadka muslimka uu ku kiciyo.
Momika oo ah qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka carooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada.
Dalal badan oo Islaam ah ayaa ka carooday tallabada ay dowladda Sweden ku fasaxday in la gubo kitaabka Qur’aanka kariimka ah, iyadoo caradu ay dhalisay in dalalka qaar ay safiirradooda kala baxaan Sweden.
Ruushka Turkiga, iyo dunida Muslimka ayaa si weyn looga cambaareeyay falka lagu gubay kitaabka Qur’aanka.
Sidoo kale dowlada Sweden way ka hadashay gubista kitaabka Qur’aanka. Ra’iisul wasaarahooda, Ulf Kristersson, wuxuu sheegay gubista kitaabka Qur’aanka ma ahan sharcidarro balse ma habooneyn.
Dadweyne aad u badan ayaa caalamka dibadbaxyo ka dhigay oo ay uga horjeedaan falka Salwan Momika.
Rabshado waaweyn ayaa markale ka dhacay magaalada Malmo, kadib markii ninka ku caan baxay islaam nacaybka ee u dhashay dalka Ciraaq ee lagu magacaabo Slwan Momika uu dab qabadsiiyay kitaabka barakeysan ee Islaamka.
Booliska ayaa sheegay in ay xireen 10 qof oo ay ku eedeeyeen in ay khalkhal galiyeen xasiloonida guud ee magaalada Malmo.
Dhowr baabuur ayaa gubtay kadib markii dad ku dhow boqol qof ay isugu soo baxeen si ay uga jawaabaan gubashada kittaabka.
Dibad baxayaal careysan ayaa dab qabadsiiyay xilligaas safaaradda Sweden ee dalka Ciraaq, oo ah dalka uu kasoo jeedo asal ahaan ninkan ku sifoobay Islaam nacaybka.
Dibad baxyo kale aya ka dhacay dalalka caalamka kuwaas oo qaarkood lagu taageerayay falka uu ninkan ku kacay, halka kuwa kalana ay lid ku ahaayeen ficilladiisa gurracan.