Dowladda Sweden ayaa muujisay wel-welka ay ka qabto is bedeladii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiirada Arrimaha Dibadda Sweden Ann Linde ayaa codkeeda ku biirisay walaaca Beesha Caalamka ee sida is-daba jooga isu soo taraya oo ku saabsan tallaabadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay xilka uga tuureen Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre
“Sweden waxay wel-welka la wadaageysaa Midowga Yurub, isbeddeladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Soomaaliya. Waxay muhimaddu tahay wadahadal loo dhan yahay in uu sii socdo laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb”ayay tiri qoraal kooban oo barteeda Twitterka soo dhigtay.
Sweden ayaa ah dalka labaad ee Midowga Yurub ee bixiya dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa Soomaaliya.
Walaaca Beesha Caalamka iyo cambaareynta loo jeedinayo tallaabadii xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa weli sii socota, waxaana laga yaabaa inay soo baxaan dalal kale oo iyana codkooda ku biira wixii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Baarlamaanka sida ay uga xun yihiin.