Taageerayaasha Wagner oo u baroor diiqaya Prigozhin

24- August-2023

Markii Yevgeny Prigozhin iyo ciidamadiisa Wagner ay bilaabeen kacdoonkoodii laba bilood ka hor, Vladimir Putin waxaa uu dareenkiisa u muujiyay si cad. Waxa uu ku tilmaamay “khiyaano” iyo “dhabar ka toogasho” uu Ruushku la kulmay. Waxa uu ballan qaaday in la ciqaabi doono dadkii falkaasi geystay.

Sidaa darteed waxaa jiray kalsooni darro gudaha Ruushka. Markii uu go’ay heshiiskii, Mr Prigozhin iyo Kremlin-ka si loo soo afjaro gabood fallada, markii dhammaan eedeymihii lagu soo oogay aas-aasihii Wagner iyo dagaalyahannadiisa la tuuray,

Waxa ay ka dhigtay Madaxweyne Putin mid daciif ah.

Isagoo ka hadlaya tanaasulkii lagu heshiiyey, mid ka mid ah wargeysyada Ruushka ayaa faallo ka bixiyay: “Heshiiska noocan oo kale ah waxaa caadi ahaan lala galaa dadka ka soo horjeeda siyaasadda. Weligeed ma dhicin in lala galo dembiilayaasha iyo argagixisada. Taas macnaheedu ma waxa ay hadda noqoneysaa in Mr Prigozhin hadda aan u aragno siyaasi?

Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah ee Wagner (Vagner) Yevgeny Prigozhin, ayaa ka mid ahaa toban qof oo saarnaa diyaarad gelinkii danbe ee Arbacadii ku burburtay Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay geerida Prigozhin oo bishii June sameeyey isku day afgambi oo ka dhan ah ciidamada Ruushka.

Diyaaradda dhacday ayaa imanaysa iyadoo warbaahinta Ruushku ay wariyeen in jeneral sare oo ku xirnaa Prigozhin laga qaaday xilka taliyaha ciidamada cirka ee dalkaasi.

Diyaaradda burburtay ayaa waxaa saarnaa saddex duuliye iyo toddoba qof oo rakaab ah, waxaana ay ka kacday magaalada Moscow iyadoo kusii jeedday magaalada St. Petersburg. Waxay ku dhacday meel 100 km dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Ruushka.