Goal.com
Tababare Jesus ayaa ka carooday sheegashada ciyaaryahanka reer Portugal ee ah in kooxdiisa ay u baahan tahay inay doorato madaxweyne cusub “
Tababaraha Benfica Jorge Jesus ayaa ku tilmaamay Bernardo Silva mid aan la mahadin ka dib markii garabka Manchester City uu sheegay in kooxda reer Portugal ay u baahan tahay madaxweyne cusub.
Kahor doorashada madaxtinimada ee kooxda todobaadkan, Silva wuxuu soo dhigay qoraal dheer baraha bulshada kaas oo uu ku amaanay mudada dheer xilka hayey Luís Filipe Vieira laakiin wuxuu ku andacooday in Benfica ay noqotey mid ku qanacsan sanadihii ugu danbeeyey isla markaana aan lahayn hami.
Silva wuxuu ku biiray akadeemiyada kooxda Lisbon isagoo jira sideed sano laakiin wuxuu u saftay kaliya seddex kulan kooxda weyn ka hor inta uusan ka tagin oo uu ku biirin Monaco ka dibna wuxuu u dhaqaaqay England
Waxay ahayd Jesus kii siiyay Silva fursadiisii ugu horeysay ee kooxda Benfica, 66 jirkaan ayaa sheegay inuu ka fogaaday inuu ka hadlo xiddiga reer Portugal tan iyo markii uu ka tagay, laakiin ma uusan aamusin ka dib dhaleeceyntii ciyaaryahanka dhawaan.
XAYEEYSIIN”
“Sanado badan waligey ma rabin inaan ka hadlo Bernardo Silva, maxaa yeelay sidoo kale wuu ila qasnaa sanado badan. Waa wax iska caadi ah ” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id.
“Hada waxaan la joogaa madaxweynihii naadiga ee ka caawiyay inuu koro, kaasoo sii wada inuu siiyo shuruudo aad u wanaagsan dhalinyarada si ay ugu soo baxaan naadiyo wanaagsan, sida xaalku yahay. Waa wax aan la mahadin.
“Cilado badan ayaa jira oo ninku yeelan karo, laakiin waxa ugu xun ayaa ah inuu noqdo mid aan mahadin, waxaad yeelan kartaa fikrad ka duwan tii hore, laakiin ma noqon kartid mid aan mahad iyo abaal u haynin dadkii ku soo barbaarshay ayuu Yuri Jorge jesus
Waxaan ahaa kan ku daray Bernardo Silva kooxda. Waxaan u baxnay dhowr ciyaarood markii aan gaarnay Portugal, wuxuu i weydiiyay: ‘Mister, maxay yihiin fikradahaaga aniga igu saabsan, waxaan doonayaa inaan ogaado haddii aan ciyaari doono’.
“Waxaan ku iri: ‘Haddii aad ciyaareyso, maxaad uga jeeddaa? Ii sharax … Nico [Gaitan] ayaa soo baxa oo waad ciyaareysaa. Salvio ma soo baxaa oo waad ciyaareysaa? Maxaad iga rabtaa inaan sameeyo?”
“Silva wuxuu yiri:” Waxaan heystaa qandaraas aan ku tagayo, waxaan helayaa 20 jeer oo dheeri ah, waxaana ubaahanahay inaan caawiyo qoyskeyga, waxaan ubaahanahay tababaraha inuu i fasaxo.
“Markaa la hadal madaxweynaha, aniga maahan,” waxaan ugu jawaabay. Haddii uu i dhageysanayo, ha u dhaho kani waa runta, ma ahayn maxaa yeelay waxaan dhigay bidix.
“Sanadahan oo dhan kadib waxaan kuu sheegayaa maxaa yeelay wuxuu ahaa mid aan mahadin madaxweynaha Benfica. Ma aanan aqoonin sidaan ugu kabo wixii Benfica iyo waxa uu madaxweynuhu ku sameeyay.”