Tacaddiga Jinsiga ee dhinaca Internet-ka: ‘Waxaan ogaaday in ninkeyga uu heystay sawirro anshax xumo ah’

17″ March ” 2021″ BBC

Dadka ayaa lagu boorriyay inay soo tabiyaan haddii ay arkaan calaamado muujinaya in xubno ka tirsan qoysaskooda ay internet-ka ka daawanayaan sawirro anshax xumo ah.

Inta badan sawirrada anshax xumaha ah waxaa baraha bulshada iyo website-yo soo galiya dad soo xaday xogta khaaska ah ee shakhsiyaad ama si khasab ah sawirro uga soo qaaday carruur iyo dad aan raalli ka ahayn.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa Soomaaliya laga hadal hayay gabadh telefoonkeeda la jabsaday oo sawirradeeda iyo macluumaadka u khaaska ah lala wadaagay kaddibna la faafiyay.

Goor sii horreysayna dhacdooyin noocaas ah ayaa laga soo tabiyay meelo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo muuqaallo qarsoodi ah oo gabdho laga duubay lasoo galiyay baraha bulshada.

Warbixin laga soo saaray UK

Soo wicitaanka Xarunta loo sameeyay dadka oo ah kuwa khaas ah oo si aan la fashileynin usoo gudbiyaan xogta ku saabsan tacaddiyada jinsi ee ka dhaca internet-ka ee gudaha UK, ayaa kordhay ku dhawaad 50%, intii uu socday cudurka safmarka ah, sida lagu sheegay warbixin cusub.

Hayadda la dagaallanka arrimahan u dhaqdhaqaaqda ee lagu magacaabo “Stop it Now!” (hadda jooji) ayaa sheegtay in waqtiga badan ay dadka iskula qaadanayeen guryaha xayiraadda la soo rogay awgeed, ayaa shaaca ka qaadday calaamado muujinaya waxyaabaha ka dhaca guryaha dhexdooda.

Sarah – oo mageeda runta ah uusan kaas ahayn – kana soo jeedda Wales ayaa soo bandhigtay qisadeeda iyadoo rajeyneysa in tallaabadaas ay dad kale caawiso.

Ninka ay xaaska u ahayd 25 sano ayaa ku dhawaad shan sano ka hor loo xiray sabab la xiriirta inuu heystay sawirro anshax xumo ah oo laga soo qaaday carruur.

“Ma aanan ogeyn waxa uu sameynayay ilaa ay booliska weerar ku soo qaadeen gurigeenna, xilli aroor hore ah, anigoo markaas qeybta kore ku sugan oo shaqo isu diyaarinaya,” ayey tidhi.

“Kolley wuu ogaa cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintaas, laakiin wuxuu mar walba igu dhihi jiray, ‘Aniga ma ihi qof carruurta jinsi ahaan u daneeya’.”

Man on computer

Booliska ayaa u kaxeystay ninkeeda si ay su’aalo u soo weydiiyaan waxayna guriga ka qaadeen dhammaan qalabka korontada ku shaqeeya.

Xilli dambe oo isla maalintaas ah, Sarah waxaa u suurtagashay in ay la hadasho ninkeeda isagoo kaligiis ah oo ku sugan saldhigga, markaas oo uu qirtay inuu daawanayay sawirro qaawan oo laga soo qaaday carruur 10 sano jirro ah, uuna howshaas sharci darrada ah ku soo jiray muddo labo sano ah.

“Aad baan u naxay, wax aan sameeyana waan garan wayaay,” ayay tidhi Sarah.

“Markii aan ogaaday waxa uu ninkeyga sameeyay, waxay ka dhigneyd inuu burburay guurkeenna.

“Dumar badan ayaa go’aansada inay la sii joogaan lamaaneyaashooda, laakiin aniga waxaan ogaa in qoyskeenna uusan marna ahaan doonin sidiisii hore.”

Man on phone
Qoraalka sawirka,Sarah waxay u maleyn jirtay in ninkeeda uu internet-ka ka akhriyo waxyaabo la xiriira ciyaaraha

Sarah waxay dalbatay furriin maadaama ay dareentay in ninkeeda aysan aamini karin mar dambe.

Waxay sidoo kale halis uga cabsatay xirfaddeeda shaqo ee macallinnimada ah, halka dhinaca kalena ay ku khasbaneyd in ay arrinta dhacday u sharraxdo gabdhaheeda dhowr iyo toban sano jirka ah oo dhiganaysay Jaamacadda.

“Waan argagaxsanaa markii aan gabdhaheyga u sheegayay, waxaana khasab igu noqotay in aan telefoon ugu sheego sababtoo ah labadooduba waxay ku maqnaayeen waxbarasho,” ayay tidhi.

“Waxaan ka cabsanayay in haddii aan dhakhso u sheegi waayo ay ka ogaadaan baraha bulshada.

“Booliska waxay ku imaadeen gawaadhi astaantooda ka muuqato, waxayna sidoo kale tageen goobta shaqada ee ninkeyga si ay uga soo qaataan computer-kiisa, sidaas darteed ma aanan ogaan karin waxay sameeyeen bulshada.”

Labada gabdhoodba waxaa u suurtagashay in ay dib u dhisaan xiriirka ay la leeyihiin aabbohood. Laakiin Sarah, oo nin kale uu guursaday, waxay sheegtay inay hadda “walwalsan tahay” ayna ku nooshahay nolol “gabi ahaanba liidata.

Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in dadka ay gartaan astaamaha.

Ninkeeda wuxuu muddo dheer qabay kalsooni darro ku aaddan naftiisa. Shaqada ayuu dhib ku qabay, marar badanna wuxuu ka cabsi qabay in laga soo eryi doono shaqadiisa.

Sarah waxay dhowr jeer ka shakisay inuu jiro wax ka khaldan ninkeeda, dhowr isbuuc ka hor inta aan la xirinna, waxay wacday qofka shaqadiisa madaxda uga ah oo ay la wadaagtay walaaca ay qabto.

Waxay si khaldan ugu maleysay in computer-ka uu ku dhafro habeenkii uu ka eego waxyaabo uu daneeyo, sida wararka ciyaaraha.

“Waxaan hadda ka qoomameeyaa in aan aaminay oo aan u nuglaaday, waxaa fiicnaan lahayd inuu shakigeyga badnaado,” ayay tidhi Sarah.

“Carruurta lagu tacaddiyay ayaa ah dhibanayaasha runta ah ee dambiyadan.”

Waxay haweeneydan sheegtay in ay muhiim tahay in dadku ay ka fal celuyaan shaki walba oo ay arkaan, waxayna ka mahad celisay caawinaadda ay ka heshay hayadda samafalka ee Stop it Now!

Leave a Reply