19″ July”2021″
Markab laga leeyahay dalka Turkiga ayaa meel ka baxsan biyaha xeebaha Liibiya, waxa uu ku badbaadiyey 80 tahriibeyaal ah ooy ku jiraan soomaalibsida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiggu Axaddii
Markabkan ayaa ku dhaqaaqay markii uu helay macluumaadka muhaajiriinta iyadoo Diyaarad helicopter ah oo saaran markabka “TCG Gediz” ay durbadiiba bilowday dadaallo indha indheyn ah, Liibiya ayaa ah barta ay ka baxaan inta badan tahriibayaasha ka sii gudbaya badda halista ah ee badda Mediterranean.
Turkiga ayaa goor sii horeysay ka codsaday bulshada caalamka inay xal u helaan xididaada tahriibka isla markaana ay la wadaagaan culeyka si siman kadib markii 43 qof ayaa la waayey markii doon ay la socdeen 127 tahriibeyaal ah ay ku degtay badda Mediterranean.