21″ December, “2022
Taliban ayaa difaacday go’aankeeda, iyadoo sheegtay in xayiraadaha gabdha in loo sameeyay si loo ilaaliyo “danta qaranka” iyo “sharafta haweenka”.
Taalibaan ayaa ka laabatay balan qaadkii ahaa in ay dammaanad qaadayso xuquuqda gabdhaha in wax la baro oo xoriyado kale la siiyo,iyaga oo dib ugu soo laabtay siyaasadii hore markii ay xukunka ugu dambeysay.
Afhayeen u hadlay maamulka Taliban ayaa ku sifeeysay go’aankooda,xayiraada waxbarashada sare ee gabdhaha Afghanistan in loo sameeyay si loo ilaaliyo “danta qaranka” iyo “sharafta haweenka”
Wakiilada Maraykanka ,Ingiriiska ,France iyo Germany ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay tallaabada intii uu socday shirka golaha.
Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ku yeeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka, kaasi oo looga hadlayay arrimaha Afghanistan.
“Taalibaan ma filan karto inay xubin sharci ah ka noqoto beesha caalamka ilaa ay ixtiraamayaan xuquuqda dadka Afgaanistaan oo dhan, gaar ahaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah ee haweenka iyo gabdhaha,” ayuu yiri ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Robert Wood.
Xaqiijinta xannibaadaha jaamacadda ayaa soo baxay isla fiidkii markii uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay kulanka Afgaanistaan, kaasoo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afgaanistaan, Roza Otunbayeva, uu sheegtay in xiritaanka iskuullada ay “waxyeeleeneeyso” xiriirka maamulka Taliban iyo beesha caalamka. .
“Ilaa inta gabdhaha laga saarayo iskuulada ayna sii wadaan inay iska indhatiraan walaacyada kale ee beesha caalamka, waxaan ku sii jirnaa wax cakiran,” ayay tiri.
Obaidullah Baheer, oo ah aasaasaha ololaha ( Gabdhaha Afqaanistaan Ha bartaan) ayaa sheegay in tallaabadani ay qay ka tahay “riyooyinka soo noqnoqday we kooxda kuwaas ooy suurtagal tahay In uu ku sii fido jiilalasha cusb.
“Taalibaan waxay dooratay maalinta iyo waqtiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka doodayay Afgaanistaan si ay ugu dhawaaqaan wax la mid ah,” Baheer ayaa u sheegay Al Jazeera.
Kooxdan oo la wareegtay magaalada Kabul 16 bilood ka hor ayaa ku doodaya in xeerarkooda ay waafaqsan yihiin tafsiirkooda Islaamka, inkastoo Afgaanistaan uu yahay dalka kaliya ee Muslim ah ee ka mamnuuca in gabdhaha wax la baro.
Taalibaan ayaa dib ugu soo laabatay awooda magaalada Kabul 15-kii Ogosto intii lagu guda jiray bixitaankii ugu 壯陽藥 dambeeyay ee ciidamada shisheeye ee uu hogaamiyo Mareykanka, taasi oo soo afjartay dagaal socday 20 sano oo soo dadajisay burburkii dowladdii uu reer galbeedku taageero ee madaxweyne Ashraf Ghani.
Kooxda ayaa balan qaaday in ay siin doonto dadka reer Afgaanistaan xoriyado ka badan markii ugu horeysay ee ay xukunka qabtaan intii u dhaxeysay 1996 ilaa 2001, iyagoo sheegay in ay ixtiraami doonaan waajibaadka xuquuqul insaanka oo ay ku jiraan kuwa haweenka.