16″ February “2022” Muqdisho
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay Wariiyaal maanta lagu jirdilay Muqdisho, kadib mar ay duubayeen dhibaatadii ka dhalatay weerarkii xalay lagu qaaaday Saldhigga Degmada Kaxda.
犀利士 >Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in laamaha kala duwan ee ammaanka ay aad uga xun yihiin falkii arga-gaxa lahaa ee maanta lagula kacay qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howgal Muqdisho
Waxaa uu intaas ku daray in Saraakiishii hoggaaminaysay Ciidankii ku lugta lahaa falkaasi qaarkood lasoo xiray, waxaana uu carrabka ku dhuftay in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu amar ku bixiyay shaqsiyaadka Wariyeyaasha dhibaateeyay gacanta lagu soo dhigo, haddana la hayo.
Saaka ayay ahayd markii Wariyeyaal ka howgala Warbaahinta Madaxabannaan lagu dhibaateeyay goobihii Xalay la weeraray, waxaana Sawiro iyo muuqaallo lasoo duubay ay muujinayeen wariyeyaasha Indhaha laga xiray Xabad kana dhulka loo dhigay.
Sidoo kale Qaar ka mid ah Saxafiyiinta la dhibaateeyay manta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jir dil iyo handadaad la siugu daray, waxaana qaarkod ka muuqday jir dil loo gaystay.