Taliska Ciidamada Mareykanka Ee Afrika oo Farriin U Diray Ciidamada Soomaaliya

28″ December “2021

Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay taageerayaan baaqyada beesha caalamka ee ku saabsan in la joojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay ciidamada Soomaaliya inay diiradda sa壯陽藥 araan halista amni ee uga imaaneyso kooxaha argagixisada si loo badbaadiyo shacabka, sida laga soo xigtay boggaga Twitter-ka ee AFRICOM.

Hadalka Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika  ayaa imaanaya, iyadoo Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskudayga shaqa-joojinta Ra’isulwasaare Rooble ay tahay mid walwalkeeda leh, isla markaana uu Mareykanka taageerayo dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa caqabadda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Iskudayga shaqo-joojinta Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid laga naxo, waanu taageersannahay dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyada waa in ay ka baaqsadaan ficillada iyo hadallada kicinta ah,” ayuu lagu yiri hadalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Leave a Reply